Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kulan qaraoodi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, isla markaasna uu soo qabanqaabiyay Rooble ayaa la sheegay inuu dhex maray Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid kaasoo looga hadlay qodobo dhowr ah..
Kulanka oo dhacay shalay (Axad) ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadlay, balse warar ayaa sheegaya in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, Khilaafka Ka taagan Magaalada Boosaaso (Puntland) iyo Kulamada Mucaaradka.
Cumar Cabdirashiid Cali oo dhowaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu u yimid siddii dalka loo badbaadin lahaa, qeybna uu uga noqon lahaa shirarka Midowga Musharixiinta, balse la kulankiisa Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharixiinta ku baaqeen shirweyne Qaran oo lagu badbaadin doono boobka doorashada.