Muran Xoogan oo ka Taagan Dekeda Bosaso Kadib Markii Wiishash keensadeen Shirkadda DP Workd

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa buuq iyo muran ka taagan Dekadda Boosaaso kadib markii laba wiish oo isku nooc ah oo cusub la keenay, kuwaasoo la sheegay iney leedeahay shirkadda DPWorld, maamulka dekadda ayaa amar ku bixiyey in wiishashkii kale ee horey dekadda uga shaqeyn jirey ay isaga baxaan, kuwaasoo ay lahaayeen ganacsato degaanka ah isla markaana ay ku tiirsanaayeen muruqmaal badan…

Wararka ayaa sheegay in Xoogsatadii dekadda iyo qaar kamid ah Ganacsatada ayaa arrintan kacdoon ka sameeyey, waxaana ay sheegeen in ganacsato kale loo xiraayo ee aysan ahayn wax DPworld leedahay, haddii DPworld leedahay waxaa laga sugaayey in ay dekada dhisaan oo wiishah ku xiraan ee lagama sugeyn in ay annaga nala tartamaan ayey ku doodeen.

Dood adag oo dheer kadib ayaa lagu xaliyey in baarkinka la geliyo labada wiish ee cusub inta muranka la xalinaayo oo wiishahskii hore sii shaqeeyaan, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya Qoyska Mr.Dani ay raad ku leeyihiin Wiishashkaan, Xiisadaan ayaa ku soo aaday xili uu muddo xileedkiisu dhamaad yahay Madaxweyne Saciid Dani, heshiis hoosena kula gaaray Villa Somalia in muddada loo kordhiyo.

225130cookie-checkMuran Xoogan oo ka Taagan Dekeda Bosaso Kadib Markii Wiishash keensadeen Shirkadda DP Workd