Mas’uuliyiin Lagu Xiray Muqdisho..

Uncategorized

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu xiray Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq ‘Alqaadi” iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax.

Labadaan mas’uul oo ah kuwa kaliya ee taageersan Jubaland, islamarkaana ka tirsan maamulka gobalka Gedo, ayaa la keenay Muqdisho kadib cadaadis ay saartay Maamulka Farmaajo, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Sida aan xogta helanay, Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayey dowladda u dirtay dowladda federaalka, kaasoo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho, kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo been ahna u samyeey.

Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubbaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo.

15610cookie-checkMas’uuliyiin Lagu Xiray Muqdisho..