Share the post "Maamulka Biden Oo Culeys Lagu Saaray Inuu Xayiraada Ka Qaado Somalia"
Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay sanadkii 2010-kii adeegsiga Xeerka awooda Dhaqaalaha deg deg ah ee Caalamiga ah( IEEPA), iyadoo laga jawaabaayo khatarta Amniga Qaranka USA & Siyaasada Arrimaha Dibeda, iyadoo talabadaan ay durbadiiba suurto gelisay in Cunaqabateyn lagu soo rogo Somalia…
Cunaqabateyntaan ayaa waxaa ay saameysay Dhamaan Dhaqadhaaqyada Nolosha & Ganacsiga Somalia, iyadoo Xildhibaanad Ilhan Cumar ay dadaalo ku bixisay sidii Maamulka Biden uu dib u eegis ugu sameyn lahaa xayiraadaha la saaray Dalka & Dadka Soomaaliyeed, Cunaqabeyntaan oo lagu beegsaday Dadka & kooxaha ka qeyb qaadanaaya Amni darrada Dalka xiligaas ka jirtay Kooxaha Burcad badeedka iyo kuwa Argagisixada.
Bishii Jenaayo 1993 ayeey Golaha Amaanka ee UN-ka soo saareen qarar lambarkiisu yahay 733 oo cunqabateyn lagu saaray Hubka la soo geliyo Somalia xiligaasoo hal sano ka soo wareegatay burburkii Dowladii Dhexe ee Dalka.
Iyadoo Qararka tirsigiisu yahay 1725 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ayaa xayiraadii hubka la khafiifiyay, wuxuuna Qararkaasi u oggolaanayay urur goboleedka IGAD & AU-da iney faragelin ku sameeyaan Somalia loona oggolaaday iney Ciidamo ka socda dalalkaasi la geeyo Somalia si ay gacan u siiyaan Ciidamada Dowladda Federaalka.