Madaxii NISA Ee Baydhabo Oo Xabsiga La Dhigay

Somalia news

Xog hoose oo ay heshay Warsidaha Diinah.com news ayaa tilmaameysa in la xiray Caydaruus Batis oo ah Madaxii Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugida u qabilsan Magaalada Baydhabo, kadib markii muqaal anshaxiisa hoose la dhigay Baraha Bulshada..

Wararka ayaa sheegay in Xariga Dhaqan-xume Caydaruus Batis yimid kadib markii la ogaaday inuu amray in la xiro qof shacab, kadibna u qoyska ka dalbaaday lacag baad ah oo dhan (10,000 US$), isagoo aad uga carooday muuqaal anshax xumo & Cod laga duubay oo la soo dhigay Baraha Bulshada.

Sida aan xogta ku helnay, qofka shacabka ayaa la xiray, kadibna la geeyay Hoygiisa, kadibna wiilka qoyska ayaa ka war helay wiilkooda uu u xiran yahay Madaxa Nabadsugida u qabilsan magaalada Baydhabo islamarkaane uu dalbaday lacag gaareeysa 10,000 dollar iyo in Video-ga laga saaro Facebook.

168130cookie-checkMadaxii NISA Ee Baydhabo Oo Xabsiga La Dhigay