Dhibaatada Kooxaha Argagixisada & Khilaafka Dowladaha Dhexdooda ah Oo Dhibaato ku ah A

Somalia news

Inkastoo falalka argagixisada ay ka dhici karaan dunida daafaheeda, isla markaasna ay galaafato noloshada Dadka Rayidka ah, ayaa hadana Dalka Somalia waxaa ku wada kulansaday Dhibaatada kooxaha Argagixisada & Khilaafka Mas’uuliyiinta Dowlada dhexdeeda ah, iyagoo qodob ay hortaagan yihiin Horumarka & Amaanka Dalka…

Khubarada Arrimaha gudaha ayaa farta ku fiiqay in Khilaafka Mas’uuliyiinta Sare ee Dowlada uu dib u dhac xoogan ku keenay howlgalada looga soo horjeeda Kooxaha argagixisada, iyadoo la Dalkaan uu kaalinta 3-aad kaga jiro 10-ka Waddan ee dhibaatada ugu badan ku hayaan Kooxaha Argagixisada, sida ku cad Warbixinta Global Terrorism Index.

Warbixinta ayaa lagu xusay inuu jiro xoogaa isbedel ah oo ku yimid qiimeynta Sanadkii 2019-kii ee Dalalka Aduunka Dalka Burkino faso ayaa dhaaftay Kala horeynta qiimeynta Dalalka Syria & Nigeria sidoo kale Dalka Pakistan ayaa guurtay kaalinta 8-aad ee ugu saameynta badan howlgalada kooxaha Argagixisada waxeyna gashay kaalinta 7-aad, inkastoo hoos u dhacaan ay rajo yar muujineyso.

173130cookie-checkDhibaatada Kooxaha Argagixisada & Khilaafka Dowladaha Dhexdooda ah Oo Dhibaato ku ah A