Khilaaf Ku Saleysan Kursiga Hop#029 Oo Ka Dhex Aloosan Madaxda Puntland

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo hareeyay Kursi Golaha Shacabka ah oo sumadiisu tahay Hop#029 ee Beesha Ciise Maxamuud ayaa sida la xaqiijiyay ka dhex aloosan Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, Odayaasha Dhaqanka & Siyaasiyiin Beesha ku suntan Kursiga…

Wararka ayaa sheegay in Kursigaasi oodegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaayo ee Jubaland, waxa horay ugu fadhiyay Shaqsi magaciisa lagu sheegay Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan, waxaana hadda Odayga Beesha & Wasiirka Maaliyada Puntland u soo sharaxeen Duni Maxamed Guuleeto, kadib markii jifidiisa loo xiray.

Qoraal ku taariikhaysan 24/08/2019 oo ka soo baxay Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa lagu go’aamiyay in kursigaas loo xiro Jifida Xasan Abokor oo uu ka dhashay Duni Guuleeto, hase yeeshee Deni iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in Hop#029 loo xiro nin lagu magacaabo, Axmed Maxamuud Jaamac oo ka tirsan Shaqaalaha Madaxtooyada Jubaland, islamarkaana aan haysan saxiixa Suldaanka.

Khilaafka Kursiga muranka dhaliyay ee Hop#029 ayaa sida wararku sheegayaan marar kala duwan dib loo dhigay welina lama qaban doorashadiisa.

173190cookie-checkKhilaaf Ku Saleysan Kursiga Hop#029 Oo Ka Dhex Aloosan Madaxda Puntland