Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qaraxyo ku bilowday oo saaka aroortii Kooxda Shabaabku ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee degaanka Ceel Saliini & Saldhiga Amisom ee Magaalada Qoryooley iyo Wadada Lafoole/Xaawo Cabdi…
Xogtaan ayaa tilmaamtay in kadib markii ay weerar kedis ah ku qaadeen Magaalada Qoryooley, iyadoo ay Is-qabsatay dhawaqa rasaasta & Madaafiicda ay ridayaan Ciidamada Amisom, waxaana kooxda Shabaabka u suuragashay inay gudaha Magaalada & xerada dhexdeedaba ay galaan.
Xaafado ka mid ah Degmada Qoryooley, ayaa lagu dhex arkay dagaalyahanada Shabaab, iyadoo dadka qaar ay kula hadleen fagaaraha Magaalada, waxaana la sheegay inuu khasaare xoogan la gaarsiiyay Ciidamada Dowladda.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ilaa 7-10 gaadiidka dagaalka qaarna la gubay halka kuwo kale la qabsaday, waxaana la sheegay in Taliyihii Xeradaasi Xasan oo dhaawac qaba uu ka soo baxsaday xerada isagoo ay wehliyaan ilaa 20-askari iyo Gaari Cabdi bile ah, khasaaraha ayaa la sheegaya inuu yahay mid aad u badan ilaa 30- askari ayaa lagu dilay dagaalkaasi.
Warbaahinta Kooxda ayaa waxa ay sheegteen dagaalkaasi inay ku qabsadeen M saanad Ciidan, islamarkaana gaadiid dagaal oo xerada dhex yaalay ay gacanta ku dhigeen Shabaabku.
Dhanka kale, Waxaa la weeraray xero Ciidan oo ay Qeybta Boliiska (Haramcad) ku lahaayeen inta u dhaxeysa Degaanada Lafoole/Xaawo Cabdi, dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalkani uu ahaa mid xoogan isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kale.