Ireland, Norway & Spain Oo ku Dhawaaqaya Aqoonsiga Dowlada Falastin…

World

Dalalka Reer Galbeedka ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa soo kala dhex galay tafaraaruq Dhanka Siyaasada ah iyo in Siyaasad mideysan ay ku wajahaan Xasuuqa ay ka wadaan Ciidamada Israel guud ahaan Dhulka Falastin gaar ahaan Magaalada Gaza…

Wararka ayaa sheegaya in Dowladaha Ireland iyo Spain ayaa doonaya inay ku dhawaaqaan qorshayaasha lagu aqoonsanayo Dawladda Falastiin si loo soo afjaro dagaalka ka socda Gaza ee u dhexeeya Falastiin iyo Israel, inkastoo Culusyo siyaasadeed oo ay ku horjoogsanayaan Dalalkaani ay saareen USA, Germany iyo UK ay socon waayeen.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo-warbaahineed maxali ah oo Norway ka tirsan ayaa xaqiijisay in maanta oo Arbaca ah ay Dowladdu ku dhawaaqi doonto aqoonsiga dawladda Falastiin, Dowladda Falastiin waxaa hadda aqoonsan 8 xubnood oo ka tirsan Midowga Yurub kuwaasoo kala ah Bulgaria, Poland, Czechia, Romania, Slovakia, Hungary, Qubrus, iyo Sweden.

328020cookie-checkIreland, Norway & Spain Oo ku Dhawaaqaya Aqoonsiga Dowlada Falastin…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *