Suuqa Waqooyiga Gaalkacyo Oo Xiran..

Business

Iyadoo uu Suuqa waqooyiga magaalada Gaalkacyo (Qeybta Puntland) gobolka Mudug, ayaa maalintii saddexaad albaabada iskugu laaban kadib markii ganacasatadu ka biyo diideen canshuuraad dheeraad ah oo lagusoo rogay…

Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa canshuurtaas kusoo rogtay xarumaha ganacsiga, si loo dardar galiyo daqliga gudaha. hase yeeshee, shir ganacsatadu ka yeesheen arrintaan ayay kagasoo horjeesteen waxay ugu yeereen canshuur aan sharci ahayn.

Sawirro lagasoo qaaday suuqa bartamaha Gaalkacyo, ayaa muujinaya xarumihii ganacsiga oo albaabada iskugu laaban yihiin, waxayna arrintaan sameyn ku yeelatay bulshada.

Maalintii khamiista ayay ahayd markii xabsiga loo taxaabay tiro saxafiyiin ah oo doonayay inay saxaafada kasii daayaan cabashada ganacastada. 

18300cookie-checkSuuqa Waqooyiga Gaalkacyo Oo Xiran..