Dalalka Badan oo kuwa Qaarada Yurub ku jiraan ayaa Macaash Badan ka Sameeya Xeebaha Somalia

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya Dalal badan oo ay ku jiraan kuwa Qaarada Europe ayaa lagu eedeeyay iney sharci darro ah uga Kaluumeysta Xeebaha Somalia, waxeyna u soo diraan Maraakiib Jiraaf ah iyo Qaboojiyayaasha leh, kuwaasoo muddo todobaadyo ah xeebaha ka kaluumeysta..

Xogtaam ayaa xaqiijisay in Madaxda Maamulada iyo kuwa Federaalka ay oggolaasho sharci darro ah siiyaan xoogaa sandareerto ahna ka qaataan, Dalalkaan ayaa la sheegay iney ka mid yihiin Spain, Italia, China, Iran, India iyo Pakistan, iyadoo Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu difaacay heshiisyada Maamulkiisu kula jirto Shirkadaha iska leh Maraakiibta shisheeye ee ka kalluumaysanaya Xeebaha Dalka.

Wuxuu sheegay badda inaan loo haynin dhaqaale lagu ilaaliyo, sidaas daraadeed in lagu qasban yahay in Dowladdu heshiis dheer shirkadaha kula gasho si ay sifo sharci ah ugaga kalluumaystaan badda, mana jirto Hanaanka lagula socdo Maraakiibta, waana ayaan darro in Dowkaddu oggolaasho siiso Shirkadaha Iyo Maraakiibta.

252940cookie-checkDalalka Badan oo kuwa Qaarada Yurub ku jiraan ayaa Macaash Badan ka Sameeya Xeebaha Somalia