Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in muddo 1-sano kadib Maamulka HirShabelle Wuxuu ku guuleysan waayay iney billaabaan dhismaha xarumaha Madaxtooyada iyo Barlamaanka HirShabelle oo ay maal gelineysay Villa Somalia…
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Kooxda Shabaabka ay sanadkii hore Joojiyeen dhismahaas, kadib markii ay u hanjabeen shaqaalihii dhisayay, wadayaasha gaadiidka qalabka soo qaadi lahaa iyo ceelasha biyaha dhismaha bixiya.
Kooxdaan ayaa dadkaas ugu hanjabay dil, waxaana ilaa hadda aan jirin isku day ku saabsan dhismahaas, iyadoo ay maamulka hore u bur-buriyeen dhismiyaashii hore ee madaxtooyada iyo baarlamanka oo si ku-meel gaar ah loogu shaqeyn jiray.
Wararka ayaa sheegaya in Maamulku ay wadi waysay dhismahaan sababo amni aawgeed waxaana loogu goodiyay qof kasta oo door ku yeesha dhismahaas in la dili doono.
Baarlamanka HirShabelle hada malahan xarun ay ku shiraan waxaana loo kireeyaa hoolka hoteel ku yaalla Jowhar oo qayba ka mid ah dagan yihiin mas’uuliyiinta HirShabelle halka madaxtooyadana laga dhigay xarun ay leedahay hay’ad ka shaqeysa arrimaha beeraha oo ku taala Jowhar.