Xubno La Dhigay Xabsi Guri..

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Xubno ka tirsanaa Kooxda ay Maamulka Farmaajo ka abaabulan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo mucaarad ku ahaa Maamulka Madaxweyne Sheekh Axmed ee Dowlad goboleedka Jubbaland..

Xuuraanka ayaa sheegay in Xubno ay ka mid yihiin Ibraahim Aadan Cabdikariin oo ka mid ah xildhibaanada garabka sibedel doonka Jubaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in uu xabsi guri ku yahay magaalada Muqdisho, kadib markii maanta lagala haray diyaarad u socotay gobolka Gedo.

Ibraahim oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in is hortaaga lagu sameeyey uu salka ku hayo arrimo qabiil, sida uu hadalka u dhigay, maadaama sida uu sheegay uu si buuxda u taageersanaa isbedellada siyaasadeed ee dowladdu ay ka wado Jubbaland.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aan ka mid ahaa dadka taageersan dhaqdhaqaaqyada ay dowladdu ka wado Gedo, hada waan xiranahay dowladda Soomaaliya ayaana u xiranahay, in dowladdu xarigeyga ka bixisaa jawaab degdeg ah, dadka aan metelana halaga daayo sida lagula dhaqmaayo, hadii la iska dhaadhiciyey in dowladnimo ayaa sidaan ku dhalaneysa, wax ka jira malahan waana isku tashaneynaa”ayuu yiri xildhibankan ka tirsan is bedel doonka Jubbaland.

Sidoo kale Ibraahim ayaa sheegay in hadda uu ku xiran yahay garoonka Muqdisho meel u dhaw, isla markaana uu la yaabanyahay sababta looga khasaariyey kharashkiisa, isagoo sheegay in uu weligiisba taageersanaa xukuumadda Nabad iyo Nolol.

“Weligey waxaan dhihi jiray dadka aan metelo ka hara waxa ay san rebin dowladdu, marka hadii maanta Nabad iyo Nolol dadkii taageersanaa lasii kala soo caayo waa arrin qabiil weyna iska cadahay” ayuu yiri Ibraahim Aadan.

21390cookie-checkXubno La Dhigay Xabsi Guri..