Ethiopia Oo Hakisay Heshiiskii Saami ga Dekeda..

Business

Kadib markii ay UAE ay hakiyeen dhismaha Dekeda iyo Garoonka Magaalada Berbera, ayaa waxaa talaabo taas la mid ah qaaday Dalka Ethiopia sida laga soo xigtay Wargeyska Capital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in si buuxda loo joojiyay maalgashigii 19% ee ay Ethiopia ku lahayd horumarinta iyo balaarinta dekedaasi…

Warbixin dheer laga qoray qorshe ay Ethiopia ku doonayso inay deked kaga samaysto dalka Suudaan, ayaa wuxuu gunaanadka warbixintiisa ku sheegay in Ethiopia ay saami dhan 19% ku lahayd horumarint dekedda Berbera ay hakad geliyeen sababo la xiriira mad/madow soo kala dhex galay dhinacyadaan, wuxuuse sheegay in toddobaadkan la soo wariyay in mashruucaas gebi ahaantiiba la joojiyay. “Ethiopia waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” Ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay wasiirka gaadiidka Ethiopia Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay ku doonayso inay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.

21360cookie-checkEthiopia Oo Hakisay Heshiiskii Saami ga Dekeda..