Wararka naga soo gaaraya Degmada Boosaaso Ee Gobolka Bari ayaa waxay sheegaya in gaari miineysan uu ku qaraxay Magaaladaasi…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in falkaasi uu Casir liiqii Galabta ka dhacay qaraxa gaarigaasi meel ku dhaw Shirkada Isgaarsiinta Golis iyadoo gaariga laga soo buuxiyay.
Qaraxa ayaa lagu xiray Baabuur nuuca Raaxada ah oo loo yaqaan (NOOHADA) iyadoo la arkayey dab ka kacay gaarigaasi.
Waxa Gaariga la sheegay inuu lahaa nin ganacsade ah oo maamula Shirkad Ganacsi oo aan magaceeda la xaqiijin ka howlgalayey, Balse ma jiro wax khasaaro nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay qaraxa gaarigaas.
226200cookie-checkQarax Ka Dhacay Boosaaso…