Dagaalka Dhuusa mareeb Oo Dib U Bilaawday..

Politics

Iyadoo caawa fiidkii uu istaagay dagaal u dhexeeyay ASWJ iyo Ciidanka Dowladda ayaa abaarihii 11:45 waxaa mar kale dib u bilowday dagaal ka culus kii hore iyadoo labada dhinac ay soo gaareen gurmad ciidan.

Waxaa la isku adeegsanayaa hub culculus waxaana dadka deegaanka oo la hadlay Diinah.com ay noo sheegeen in qasaaraha uu ka badnaan doono kuu xalay iyo maanta.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga waxaa ku dhaawacmay dagaalka caawa Taliyihihii Ciidanka Haramcad Farxaan Maxamuud Qaroole iyo in ka badan 15 ka tirsan ciidanka dowladda oo ku dhimatay..

19510cookie-checkDagaalka Dhuusa mareeb Oo Dib U Bilaawday..