Horjoogayaasha Shabaabka Oo Ku Kala Irdhoobay Dhibaateynta Shacbiga iyo Dhaqaalaha Baada

Politics

Bilihii ugu dambeeyay Waxaa soo shaac baxaayay Xurguf xoogan oo u dhaxeysa Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka taasoo salka ku heysa Dhaqaalaha baada ah ee laga Qaado Shacbiga Somaliyeed qeybihiisa kala duwan…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjoogaha guud ee Kooxda Shabaabka Axmed Diiriye (Alias Abu Cubeyda), ayaa isku dayay inuu eryo Kuxigeenkiisa Mahad Qalay (Karatee) isla markaasna ay hoos tagaan Qeybaha Dhaqaale uruurinta iyo Howlgalada Sirdoonka, iyo Madaxa Howlgalada Bashiir Qoorgaab (Marxuum).

Macluumaadka Mukhaabaraadka ayaa muujinaaya in Maleeshiyaad aad u tiro badan ay taageereen Horjooge Kuxigeenka Mahad Qaley, iyagoo ka soo horjeetay in laga saaro Kooxda ama la xiro, waxeyna Talaabadaasi Dib u dhac ku keentay Maamulka Axmed Diiriye, isagoo bilaabay inuu wada hadalo Dib u heshiisiin ah la furo Kuxigeenkiisa.

Xiisadaan ayaa la sheegay iney sii holcisay Dilka Horjooge Qoorgaab, kaasoo lagu khaarijiyay goob 150-km u jirta degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe, waxaana lagu eedeeyay Horjooge Axmed Diiriye inuu Xogo la xiriira dhaqdhaqaaqa Horjooge Qoorgaab u Gudbiyay Hey’addaha amaanka Dowlada Federaalka iyo Saaxiibadoda Reer galbeedka.

Sido kale Horjooge Axmed Diiriye ayaa lagu eedeeyay dilka Horjooge Muuse Maalin Macaawiye Horjoogihii Amniyaadka Magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhacay Magaalada Bu’aale, Horjooge Mahad Kaaratee ayaa ka soo horjeestay in La bartilmaameedsado Shacbiga Magaalada Muqdisho.

Horjooge Axmed Diiriye ayaa la sheegay inuu kulamo gaar ah la qaatay Odayaal ka tirsan Beelaha yaryar, isagoo u sheegay inuu dhibaato Culeysyo xoogan kala kulmay Horjoogayaasha, Beeraleyda, Gaadiidleyda iyo Ganacsatada. Beelaha Abgaal iyo Habar gidir kuwaasoo mowqif Adag ka istaagay xasuuqa uu Horjooge Axmed Diiriye ku hayo Shacbiga Magaalada Muqdisho.

Xiisadaan ayaa u muuqata mid faraha ka baxday iyadoo Aqoonyahannada u dhuun daloola Arrimaha Kooxda Shabaabka ay ku tilmaameen in Dhowdahay xiligii ay soo dhamaan laheyn saameynta iyo dhibaateynta Shacbiga ee Kooxda Shabaabka .

24600cookie-checkHorjoogayaasha Shabaabka Oo Ku Kala Irdhoobay Dhibaateynta Shacbiga iyo Dhaqaalaha Baada