Macallimiin Masaari Ah Oo Dalka Laga Masaafuriyay

Politics

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare ayaa waxaa lagu wadaa in 20-ka bisha soo socoto ee April, ay la wareegto Iskuulka 15 May ee Magaalada Muqdisho, kadib markii uu Maamulka Villa Somalia la saftay Cadowga Ethiopia ee Xiisada Wabiga Nile….

Dugsigaan ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ka hawlgalayay Macalimiin Masaari ah, oo Maamulka Farmaajo kala shaqeeya arrimaha waxbarashada. Labada dhinac ayaana isu waafaqay kala wareegistaasi.

15 May School oo ku yaala Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) ayay Wasaaradda Waxbarashada u bedeli doontaa goob lagu tababaro hablaha Soomaaliyeed, kuwooda macalinimada loo qaato.

Dowladda Masar waxay sanad walba Soomaaliya ugu deeqdaa 200 oo deeq waxbarasho ah iyo waliba deeqo kale oo waxbarasho oo dowladad Masar ay u mariso dhinacyo kale sida Ururka Majmaca Soomaaliyeed iyo iskuulo Masaari maal galiso oo ku yaala Gudaha Somalia. 

Sidoo kale, sanad waliba waxaa dalka Masar soo gaaray boqolaal qof oo Soomaali ah oo isugu jira ciidan iyo rayid oo ku qaata tababaro iyo aqoon kala duwan oo Masaarida ay u bixiyaan in dadka Soomaalida ay yihiin walaalo wada dhashay oo kale.

Nasiib daro waxaa ina soo gaaraya warar sheegaya arimo xumeyn kara xiriirka Soomaaliya iyo Masar tasoo la dhihi karo waa mid aan aan u adeegaynin Maslaxadda Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed si guud islamarkaasina dhaawacaya xiriirka Taariikhiga ah iyo Midka walaalnimo ee nagala dhaxeeya Dalka Masar. 

Xiriirada Dowladaha laguma Saleeyo Maslaxo markaas taagan kaliya, waxaa lagu Saleeyaa Taariikh iyo Danaha Qaranka!!

24560cookie-checkMacallimiin Masaari Ah Oo Dalka Laga Masaafuriyay