Share the post "Ma Dhabaa in Heshiisyada uu Wasiirka 1-aad la Saxiixanaayo Kenya Laga Reebay Malafka Qaadka…"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa safar shaqo oo Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ku tagay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyadoo booqashadaan ay noqoneyso tii ugu horeysay ee si rasmi ah ugu tago Dalkaasi intii uu xilka hayay…
Mr.Xamse ayaa kulamo la yeelan doona Mas’uuluyiinta Dalka Kenya, isagoo dowladda Kenya la saxiixan doona heshiisyo kala duwan oo ku saabsan Ganacsiga, Amniga iyo Dhaqaalaha, Xuuraano la helay ayaa sheegeysa in Heshiisyada Somalia iyo Kenya ay kala saxiixan doonaan laga reebay malafkii Qaadka oo ah ganacsiga ugu weyn ee labada dal ka dhaxeeya oo dowladda Kenya ay dooneysay in si rasmi ah heshiiska uga mid noqdo, balse la sheegay in Xafiiska Madaxweynaha uu ka reebay.
Qoyska & Ehelada Madaxweynaha ayaa aad u daneynaaya in Malafaka Qaadka iyaga loo xiro waxeyna shuraako ku yihiin xubno siyaasiyiin iyo Ganacsato ka soo jeeda Beelaha Abgaal iyo HG, Xiriirka Kenya iyo Somalia ayaa si weyn isugu soo dhowaaday kadib markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo labada dal uu xiriirkooda gaaray heerkii ugu xumaa xilligii Madaxweyne Farmaajo.