Maamulka TV-ga CNN Oo Wariye Soomaali ah u eryay Qoraal uu Faafiyay 2010-kii

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa qoraal sida muuqata loo arkay mid lidi ku ah Dadka Yuhuuda ayaa shaqada looga joojiyay Wariye Somali-Kenyan ah, kaasoo shaqo ka heystay Soo-saare barnaamij TV-ga CNN-ka, isagoo shaqadiisa ku waayay qoraal uu 10-sano ka hor uu qoray xilli uu ku jiray waayihiisa Dhalinyaranimo…

Wariye Idiris Mukhtaar ayaa maqaal ku qoray Wargeyska dailynation ee ka soo baxa Kenya, isagoo daawanaaya ciyaar dhex martay Xulalka Argentina & Germany sanadkii, isagoo hal ku dheg uga dhigay #TeamHitler, wuxuuna xiligaasi taageerayay Dalka Germany.

Qoraalkaasi ayaa loo fasirtay mid lidi ku ah Dadka Yuhuuda, iyadoo kaligii taliyihii xiligaasi amray in la xasuuqo 6-millions oo Yuhuud ah, fariinta Wariyahaan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo horseeday in Maamulka TV-ga ay Shaqada ka joojiyaan.

Wariyaha (Idiris) ayaa sheegay inuusan weligiis taageerin in Dad la xasuuqo (Laayo), isla markaasna uu jaceyl gaar ah u qabin Hitler, xiligaasna uu ahaa nin Dhalinyaro ah oo aysan u kala socneyn Qaladka iyo saxa, balse xukunka Maxkamadda Baraha Bulshada mid aan ka fiirsi laheyn.

232990cookie-checkMaamulka TV-ga CNN Oo Wariye Soomaali ah u eryay Qoraal uu Faafiyay 2010-kii
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com