Share the post "Jamacadaha ma Xarumo Waxbarashaa Mise Waa Goobo lagu Faafiyo Aragtiyada Gumeystaha…"
Muddo dheer waxaa dunida ka taagnaa dood ah in Reer Galbeedku ay wax soo saarkooda aqooneed, iyo Nidaamkooda Waxbarasho ku gumaysteen Maskaxaha aaadamaha kale, Bare-sare Ramon Grosfoguel, ayaa ka mid ah indheergaradka hormuudka u ah doodda ah in waxbarashada jaamacadeed iyo tacliinta sare ee dunida maantu ay ku dhisan tahay dhaqan iyo xadaarad reer galbeed oo aan waxba ka qaadan aragtiyihii iyo xadaaradihii ka horreeyey, Gaar ahaan, wax soo saarkii aqooneed ee Dunida Islaamka lagu curiyey..
Reer Galbeedku tabo iyo siyaasado kala duwan, ayeey ku meel mariyeen hanaankooda Waxbarasho kootada ugu xiran Dhaqankooda iyo Xadaaraddooda, si ay dunida ugu faafiyaan hidde iyo dhaqan reer galbeed, nidaamka waxbarasho ee reer galbeedku inuu yahay gacan gumaysi oo dunida ay ku qabsadeen, waxa sal u ah qodobadaan:-
-Caalaminnimo khuraafaad ah:
Ramon Grosfoguel waxa uu ku doodayaa, in nidaamka waxbarasho ee reer galbeed uu isu dhigto, ama dunida loogu sheegay, inuu yahay caalami ka sarraysa nidaamyada aqooneed ee dunida oo dhan, iyadoo lagu qeexay inuu ku dhisan yahay xaqiiqo, iyo waaqac I tus iyo taabsii ah oo aanay ku dhexjirin, ama ka nasahan eex, fikir shakhsi ah iyo dareen qofeed (universal and objective).
Cadaawadda Aqooneed:
Ramon Grosfoguel waxa ku dooday, in reer galbeedku ay si cunfi iyo xoog sheegasho ah sharci darro uga dhigeen, una tirtireen ogaalkii, iyo habkii aqooneed iyo faham ee dadyawgii dunida ee ay gumaysteen, Waxa ay abuureen duruufo iyo marin habaabin sababtay in loo fahmo in hababka aqooneed ee reer galbeedku ay ka sarreeyaan dhiggiisa dunida oo dhan, Waxaana ka dhashay faham qaldan oo ah, in afkaarta iyo aragtiinka reer galbeedku ay yihiin sharci iyo run aan la dhaafi karin, wax kasta oo ka bayrana uu yahay sharcidarro iyo jaahilnimo, qiime aqooneedna aanu lahayn.
Ku sanduleynta Aragtidooda:-
Tacliinta jaamacadeed, iyo guud ahaan nidaamka waxbarasho ee reer galbeedku uu dhaqanadii dunida dusha kaga soo rogay, waxa uu ku guulaystay in shakhsiyada Qofka, Dhaqanada iyo Bulshooyinka dunida lagu faafiyo nidaamka aqooneed ee reer galbeedka, falsafaddooda, hab-fikirkooda, qiyamkooda, iyo in shay kasta laga istaago dhinaca ay iyagu ka eegayaan, Arrintani waxa ay qiima tirtay, isla markaana faquuqday wax soo saarkii waxbarasho, dhaqannadii iyo aqoontii ay lahaayeen dadyowga kale ee dunidu.
Jaamacadaha & Gacan ku heynta Israel:-
Maalmahaan waxaa shaashadaha Aduunka qabaaday Arday badan oo Jaamacadaha ka socda Mudaaharaadyo ay Ardadu dhigaayaan, kana dhiidhonayaan Xasuuqa lagu hayo Shacbiga Falaatiin, ku darsoo Maamulada Jaamacadaha oo adeegsanaaya Xpogaga Amaanka ayaa isku dayaaya iney caburiyaan Kacdoonka Ardayda kuna fashilmay iney joojiyaan Mudaaharaadyada.