Ashtako Ka Dhan ah Wasiirka Waxbarashada Oo Maamulada Gobolada ka Gudbiyeen & Sababta…

Education Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ashtako ay Maamulada Gobolada Hirshabelle, Galmudug, Konfur galbeed iyo Jubbaland ka gudbiyeen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka kuna aadan tiro caqabado ah oo la xiriirta iskaashiga iyo wada shaqeyn la’aanta ee habsami u socod siinta Mashaariicda Waxbarashada..

War-Saxaafadeed ay soo saareen Qeybaha Waxbarashada ee Maamulada Gobolada ayeey kaga cabteen kuna eedeeyeen inuu Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federaalka Faarax Abdulqaadir mas’uul ka yahay caqabadaha soo noqnoqda ee isbaarada u ah habsami u socod siinta Mashaariicda GPE, Sistem Transformation Grant iyo Girls’ Education Accelerator kuwaasoo dhamaantood wajahaaya fulintooda dib u dhacyo kana timid Hogaanka Wasaarada.

Iyadoo ay meesha ka maqan tahay Wada Shaqeyn la’aan dhex marta Wasaarada iyo Maamulada Waxbarashada ee Gobolada, iyadoo sidoo kale lagu xusay Cabashadaani in Musuq-maasuq uu hareeyay deeqaha Waxbarashada, iyadoo aan fursad loo siinin Ardayda mudan iney ka faa’iideystaan fursadaha Waxbarashada balse loo diro Arday ka doorbida Waxbarashada Tahriib.

Waxaana Wasiirka (Faarax) loogu baaqay inuu diyaariyo madal tabashada Maamulada Waxbarashada looga dhageysto oo furan, si xal deg deg ah loogu helo arrimaha wada shaqeyn la’aanta ee heerarka kala duwan ee Waxbarashada, isla markaasna loo helo hanaan Waxbarasho oo ka duwan tan haatan Wasaaradu ku shaqeyso.

Waxaa kaloo Welwel laga muujiyay in Dugsiyadii Private-ka ahaa ee lagu baran jiray Luqadaha Af-Soomaaliga, English-ka, Carabiga iyo Maadooyinka Caafimaadka, Saxaafadda iyo kuwa Scientific-ga ah Muqdisho ayaa ka suulay ama waa ay yaraadeen maxey tahay Sababta..?

322560cookie-checkAshtako Ka Dhan ah Wasiirka Waxbarashada Oo Maamulada Gobolada ka Gudbiyeen & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *