Ciidamada Dowlada oo Qabtay Shidaal loo Waday Kooxda Argagixisada Shababka..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamo ka tirsan Guutooyinka Danab iyo Gorgor agagaarka degaano hoos taga Konfurta Gobolka Mudug ayeey ku qabteen Shixnad Shidaal oo loo waday Kooxda Argagixisada Shababka ee Dagaalada ka waday halkaasi..

Howlgalkaan oo ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Degaanka ah oo ka dhacay duleedka Degmada Xarardheere ayaa lagu soo qabtay 150 Jiragaano oo Shidaal ah, kuwaasoo la sheegay in si sharci darro ah loo waday Maleeshiyaadka Shababka, Shidaalka la qabtay ayaa la sheegay in la doonayay in si qarsoodi ah loo geeyo goobo cayiman.

Ciidamada Dowladda ayaa qabtay laba Eedeysane oo shixnada Shidaalka waday, iyadoo Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka oo looga bartay iney adeegsadaan Ganacsatada koontarabaanka macaashka ka raadiya, sida Hubka, Mukhaadaraadka iyo Noocyada Badeecadaha kala duwan kale ee u kala gooshaan Degaanada Xeebaha ah ee ay maamulaan, kuwaasoo ku kala goosha degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

326300cookie-checkCiidamada Dowlada oo Qabtay Shidaal loo Waday Kooxda Argagixisada Shababka..