Maxaa Hortaagan in Laga Gudbo Nidaamka Wax Ku Qeybsiga 4,5 ee Beelaha

Somalia news

30-kii sano ee u dambeysay Somalia waxaa ka jiray Maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan kuwaasoo cudud iyo awood u adeegsan jiray Beelaha kale, iyadoo Siyaasiyiinta beelaha hubeysan ay sadbuursi loo siin jiray Hey’adaha Dowlada iyo degaanada barwaaqada ah, iyadoo loolanka xukunka uu caadi ahaan bedelay Isbaheysiyadii jiray…

Dalka wuxuu ilaa hadda u afduuban yahay saami qeybsiga sadbuursiga loo siiyo Beelaha hubeysan Xilalka Muhiimka ah Dowlada, talaabadaan ayaa farta lagu goday iney Caqabad ku tahay in dalka laga hirgeliyo Hanaanka Dowlad wanaaga iyo Demuqaraadiyada horseeda doorasho qof cod.

Dalka Somalia oo lagu tiriyo in hal Qoomiyad ay ku nool yihiin fursadna siineysa in si fudud loo hirgeliyo Nidaam Dowladeed oo sal balaaran, nasiob darro Hogaamiyayaasha Dalka soo maray dhamaantood waxey dantooda iyo Beeshooda ka hormarin jireen mida guud, waana halkaaso meesha ay sartu ka quruntay.

Hanaan 4,5 ee Doorashada Qabiilka ku dhisan oo soo jiitamaayay laga soo bilaabo 22-August-2004, ayaan horseedin in laga guuro Nidaamkaan Beeleed, wuxuuna la degay dhamaan rajadii laga qabay in Dalka laga hirgeliyo Nidaam doorasho oo Cadaalad ku dhisan oo dhamaan laga wada qeyb galo doorasho furan.

Runtii in Doorasho qof iyo cod ay dhacdo umadda Soomaaliyeed oo dhan bay dan ugu jirtaa gaar ahaan beelaha la dulmo, laakiin iima muuqato in dhawaanahaan Somalia ay ka dhacayso doorasho Qof iyo Cod, xitaa tirokoobka sida Lixdameyadii loo diidi jiray unbaa loo diidi doonaa, marka waa uun iska riyo Siyaasiyiinta dhahaya 2026 doorasho Qof iyo Cod baa dhacaysa.

218830cookie-checkMaxaa Hortaagan in Laga Gudbo Nidaamka Wax Ku Qeybsiga 4,5 ee Beelaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com