Magaalooyinka B/weyne iyo Jowhar ayaa Waxaa ku soo noqnoqa Sanadkii xili roobaadka Fatahaadda webiga Shabelle, kaasoo khasaare baalaran u geysta, iyadoo dhammaadkii sanadkii tagay ee 2019, magaalada kormeer (Igu Sawir u tagay Mr.Farmaajo, waxaana ka barakacay dhammaan dad kii deggenaa…
Haddaba, shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha iyo dibadda dalka aya sameeyay gurmad aad u xooggan, waxaana sidoo kale dalal saaxiib la ah Soomaaliya ay kaalin ka geysteen sidii loo samata bixin lahaa magaalada Beledweyne iyo sidii looga hortagi lahaa in mardanbe uu waxyeello ka soo gaarto fatahaaadda webiga.
Waxaa ayaan darro ah in dowladda Federaalka oo ballanqaaday inay ku deeqeyso lacag dhan $500.000 masiibada fatahaadda aanay soo gaarin lacagtaas dadkii loogu talo galay, Mr.Farmaajo oo booqasho maalin ah ku tagay magaalada Beledweyne sawirana isaga soo qaaday aya sheegay in ay Dowladda Federaalka wax ka qabaneyso masiibada biyo baxada soo noqnoqotay.
Dabagal iyo u kuur gelid ay bahda Diinah.com ay xiriir la sameyeen xubno ka mid ah guddiga loo saaray ka hortagga fatahaadda iyo maamulka gobolka Hiiraan aya loo sheegay in shacabka Hiiraan ay soo gaareen oo kaliya lacago ay u soo direen walaalahood Puntland, iyo lacago uga yimid shacabka iyo ganacsatada Kenya, waxaa intaa raacdo in ay heleen lacago kale oo ay soo uruuriyeen jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Waqooyiga Amerika iyo Yurub.
MW Farmaajo & Marwo Saynab Macallin meel haku sheegeen Dhaqaalahaan
- $500,000 oo ay Dowladda Federaalka ballanqaaday Fatahaadii Beledweyne 2019.
- Marwada Madaxweyne Saynab Macallinwaxay Waqooyiga Amerika ka soo uruurisay lacag gaaraysa $300,000lamana oga ilaa hadda meel ay lacagtaa jaan & cirib dhigtay.
- Boqortooyada Sucuudiga waxay ugu deeqday Fatahadda Webiga Beledweyne $750.000
- Dowladda Jabuuti waxay sidoo kale ku deeqday fatahaadda Beledweyne adduun dhan $600.000.
Wadarta lacagta ku maqan Farmaajo, Kheyre & Saynab Macallin aya gaareysa (Laba Milyan & Boqol iyo Kontan Kun oo doollar) $2.150.000.
Waxaa intaa dheer in Wasiirka Boostada uu ka been abuuray isla markaana wareysi uu siiyay VOA uu ku sheegay in ay geeyeen magaalada Beledweyne katarabiilo. Guddoomiyaha Guddiga Xaaji Cusmaan aya beeniyay in howsha socota ay kaalin ku leedahay dowladda federaalka, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku gaysay Beledweyne.