Maamulka Villa Somalia Oo Dacwado Laga Gudbiyay

Politics

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya xayiraad sharci darro ah oo la saaray Senataro ka tirsan Aqalka Sare ee Somalia, kuwaasoo doonayay iney safar ku gaaraan Magaalada Kismaayo….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In Senatarada Mr.Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Mr.Iftin Xasan Baasto ay Maxkamadda Sare u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Wasiirka Duulista iyo Agaasimaha NISA, iyagoo ku eedeeyay iney bixiyeen amaro looga reebay safar ay ku tegi lahaayeen Magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan Aaska Wasiir geeriyooday.

Senator Iftin ayaa sheegay in ku dhowaad 4-saacadood si sharciga ka baxsan lagu xayiray gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi raaciyay in ka aragti duwanashaha Siyaasada Mr.Farmaajo looga reebay safarka, wuxuuna xusuusiyay inuusan wakhti isaga lumin ku mashquulka Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee uu wax ka qabto Arrimaha amniga iyo inuu ka hadlo shilkii diyaaradeed ee Degmada Berdaale ku rideen Ciidamada Ethiopia ee shraci darrada ku jooga Somalia.

Wasaarada iyo NISA ayaan weli ka jawaabin Eedaha Loo heysto, Xayiraada Xildhibaanada ma ahan markii ugu horeysay ee xayiraad la saaro, iyadoo horey Madaxweynayaal hore loo diiday iney ka dhoofan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

33370cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo Dacwado Laga Gudbiyay