Share the post "Maxkamadeynta Kooxaha Burcad-badeedka Puntland Ee Dalka Seychelles & Sababaha Loogu Xushay…"
Ciidamada Badda ee EU-da lana magac baxay Howlgalka Atlanta ayaa dhawaan ku wareejiyay Hey’adaha Amaanka Dalka Seychelles 6-Eedeysane oo ka soo jeeda Degaanada Maamulka Puntland ee Somalia kuwaasoo lagu eedeeyay iney falal burcad-badeednimo ka wadeen Gacanka Cadmeed..
Eedeysanayaashaan ayaa lagu wadaa in Maxkamadaha dalkaasi lagu Maxkamadeeyo, waxaana lagu soo oogi doonaa iney isku dayeen iney afduubtaan Markabka Chrystal Arctic oo sitay Calanka Jasiirada Marshall, iyadoo Markabkaan Xamuulka qaada lagu weeraray 10-kii Bisha May Gacanka Cadmeed, inkastoo ilaalada Markabka ay iska caabiyeen.
Howlgalka EUNAVFOR (Atlanta) oo la aasaasay sanadkii 2008-dii, tirakood ay soo saareen ku sheegern in 177-Qof oo Burcad-badeednimo looga shakisan yahay ku wareejiyeen Hey’adaha Amaanka Dalka Seychelles, waxaana la xukumay 145-Eedeysane, ku darsoo Heshiis ay wada galeen Dalka Seychelles iyo Maamulka Puntland ayaa dhigaaya in muddo sanado ah kadib lagu wareejiyo Maamulkaasi Maxaabista Burcad badeednimada loo heysto.
Ciidamada Badda ee Dalka India ayaa qabtay 35-Eedeysane oo degaanada Puntland ka soo loona heysto Burcad-badeednimo kadib markii ay afduubteen Markabka Xamuulka ee Ruen, Markabkaan ayaa la siidaayay 3-bil kadib markii ay weerar ku qaadeen Ciidamada Badda ee India Bishii March sanadkaan, waxaana lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago.
Si kastaba ha ahaatee waxaa tuhun laga qaaday iney isku xiran yihiin soo rogaal celinta Burcad badeedka laga abaabulo Puntland iyo Howlgalada EUNAVAFOR ee Atlanta, India iyo Kuwa lagu Maxkamadeeyo Dalka Seychelles oo muddo kadib lagu wareejiyo Puntland iyadoo aan lasoo marsiinin Dowlada Federaalka, ku darsoo Wakhtiga Howlgalka Atlanta ayaa gabaabis ah waxeyna u baahan yihiin oggolaasho Muddo kordhin Somalia.