Madaxweynaha oo ku sii jeeda Magaalada Addis Abeba & Sababta..

Somalia news

Warar dheerad ayaa laga helaya Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo ka hadlayay Kismaayo ayaa sheegay inuu u tagayo Ethiopia, kana qeybgalaayo Shirarka Midowga Afrika, kan IGAD iyo mid gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda Dalalka Bariga Afrika, wuxuu sheegay in mawqifkiisa damaca Ethiopia uusan waxba iska bedelin…

Wuxuuna sheegay in dhamaan ka qeyb galka Kulamadaasi markii hore loo qorsheeyey RW Kuxigeenka dalka, balse todobaadkii u dambeeyey ayaa labedelay, markii uu yimi cadaadiska Maamulka Mareykanka oo Addis abeba wafdi sare u diray.

Madaxweynuhu, ma soo qaadin Shirka Mareykanka ay ugu yeereen ee kuwajahan in Soomaaliya & Itoobiya ay wada hadlaan, shalay wafdiga Mareykanka ayaa la kulmay RW Ethiopia iyo wafdiga Somalia oo ay ku cadaadinayaan labada dhinacba in ay is arkaan si toos ah, taas oo ay shuruudii ka timid dhanka Muqdisho ay diiday Addis Ababa.

308590cookie-checkMadaxweynaha oo ku sii jeeda Magaalada Addis Abeba & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com