Share the post "Ganacsatadii & Shaqaalihii Saameynta ku Yeeshay Dabkii Suuqa Bakaaraha oo Burbur Dhaqaale soo Wajahay.."
Dhaqaale darro iyo soo kabasho la’aan ayeey wajahayaan tiro Ganacsato ku hanti beelay dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa Bakaaraha 5-Bishii April ee sanadkaan, Dabkaasoo baabi’iyay 200-Mehradood, Hantiilayaashii shalay ayaa maanta ah kuwo maareyn la’ nolosha Qoysaskooda, sida Waxbarashada, Raashinka iyo Kirada Guryaha…
Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatadaan ay u sii dheer tahay deyn kumanaan US$ ah oo lagu leeyahay, iyadoo Mr.Yuusuf Cabdi Maxamed ka ganacsan jiray Dukaan Dharka ah waxbana uga badbaadin oo uu lahaa ayaa sheegay inuu ka quustay in Ganacsigiisii uu dib u soo celiyo, Wuxuu tilmaamay in tan iyo horraantii bishii hore uu yahay guri joog aan haysan dhaqaale uu ku dabaro nolosha qoyskiisa.
Yuusuf ayaa xusay in reerka uu ku biilo deyn uu Dukaamo ka soo qaato, taasoo uu tilmaamay inaysan sii socon doonin haddii uusan bixiyo tan hadda lagu lee yahay oo ah $275, Ganacsadahaan oo 65-sano ah ayaa sidoo kale ah Aabaha 10 Caruur ah ayaa sheegay in Dukaanka ka gubatay hantida tiilay ky qiyaasay $70,000. Lacagtaas soddon kun oo ka mid ah ayuu tilmaamay inay tahay deyn lagu leeyahay.
Waxaa kaloo ka mid ah Anfac Yuusuf Cali oo qoyskeedu quud la’aan ka dhaxlay, xaalada Dabka kadib markii uu soo gabagabeeyay mushaar $400 oo bishii ay ka qaadaneysay Carwo lagu gado dharka Dumarka oo muddo 4-Sano ah ay iibka u qaabilsaneyd, Gabadhaan oo 24-sano jir ah iyo 4- Walaalaheed ah ayaa Aqoon ah, iyagoo ku tiirsanaa Shaqadeeda balse haatan guri joogto noqotay.