Hey’ada PSF Oo Howlgal ay Fulisay ku soo Qabatay Eedeysanayaal ka Tirsan Argagixisada..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xaafadaha magaalada Boosaado Xoogaga Amaanka PSF ee Puntland ka howlgala ayeey ku soo qabteen 3-xubnood oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Argagixisada Daacish-ta Somalia..

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha la soo qabtay oo la aaminsan yahay iney kooxda Daacish u qaabilsan yihiin cabsi gelinta iyo hanjabaada Ganacsatada Degaanka sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka PSF, waxaana la bilaabay Baarista Tuhmanayaasha.

Warbixinta PSF waxay intaasi raacisay in baaritaan lagu samaynayo Eedeysanayaashani gacanta lagu dhigay ee ku eedaysan falalka argagix gelinta ee Ganacsatada iyo Shirkadaha isla markaana sharciga lala tiigsan doono haddii ay ku caddaato iney ka tirsan yihiin kooxahaasi nabad-diidka ah.

329780cookie-checkHey’ada PSF Oo Howlgal ay Fulisay ku soo Qabatay Eedeysanayaal ka Tirsan Argagixisada..