Maxaa Keenay in Deni & Damaciisa uu La Dego Doorkii Hormuudnimo ee Federaalka Degaanada Puntland..

Somalia news

Muddo dhowr bilood ah oo is-mari waa Siyaasadeed oo halis geliyay Nabada, Amniga iyo kala dambeynta Degaanada Puntland kuna aadan qabashada doorasho heshiis lagu yahay, ayaa soo gabagaboobay, kadib markii Mr.Damaciisa dib u liqay inkastoo dhiig uu ku daatay…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in go’aanka Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool shaacintiisa ka hor uu la kulamay, kuna qancin waayay raacista jihada uu muddo ku taamayay, talaabadaan ayaa ka dhigan in Mr.Deni uu waayay cid la xambaarta Mashruuciisa oo aan ka aheyn kuwa ku wareegsan xeyndaabkiisa.

Taageerayaashiisa ayaa dhawaaqa ku tilmaamay “Turid iyo Tanaasul”, inkastoo kuwa ka soo horjeeda ay sheegeen “Taladiisa u soo Quruntay”, balse waxaa xaqiiqo ah in Puntland ay u baahan tahay ciladaan soo noqnoqtay ee dhamaadka muddo xileedka laga gaaro go’aan oo aan la oggolaan in Shaqsi xilka lagu aamino uu isku dayo inuu xoog ku sii joogo Ciidamadana u adeegsado iney Dadna Rayid ahna u dilaan halka kuwa kale ku qasbaan iney ka qaxaan Guryahooda.

Dhaqaalaha Puntland ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo Shacbiga markoodii hore la halgamaayay kororka Maciishada, talaabadani waxey ka dhalatay kadib markii dakhligii yaraa Deni u adeegsado damiciisa xabad xukun ku raadinta, ku darsoo Puntland ayaa maqaamkii iyo Kaalintii Talo ee Dowlada Federaalka bey hoos uga dhacday, wuxuuna (Deni) geliyay muddo laba sano ku dhow go’doon siyaasadeed, kadib markii uu kala saari waayay Dantiisa shaqsiga ah iyo Danta guud ee Degaanka iyo Dalka.

291680cookie-checkMaxaa Keenay in Deni & Damaciisa uu La Dego Doorkii Hormuudnimo ee Federaalka Degaanada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com