Spain oo ku Biiraysa Dalalka Dacwadda ku soo Oogaya Israel..

World

Dowladda Spain ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay ka codsan doonto Maxkamadda Aduunka inay ku biirto kiiska ay Dowladda Konfur Afrika ee ku eedaynaya Israel inay xasuuq ka geysatay marinka Gaza, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dalka Spain…

Spain waa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee codsigaas sameeya, isagoo ku biiray 12-Wadan oo kale. “Hadafkeena kaliya waa inaan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares, Spain, iyo dalal kale oo reer Yurub ah, sida Ireland iyo Norway ayaa ku biiray dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo haatan kor u dhaafaya illaa 140-Dal.

Dalka Konfur Afrika ayaa dacwadda horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda sannadkii hore, iyadoo ku eedaysay Israaiil, inay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah, heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa ee sanadkii 1948-kii, Israel ayaa dhinaceeda ku doodaysa inay ka falcelinayso weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel bishii October 7-deedii, isla markaana ay doonayso inay dib u soo furato maxaabiista laga haysto.

330350cookie-checkSpain oo ku Biiraysa Dalalka Dacwadda ku soo Oogaya Israel..