Madaxweynaha Somalia Oo Konfurta Gobolka Mudug Kormeer ku tegaaya..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa safar qorsheysan oo Madaxweynaha Somalia uu kormeer shaqo ku tagaaya Degaano ka tirsan Konfurta Gobolka Mudug, xili amaan darro baahsan ay ka taagan tahay Wawooyiga magaalada iyo Khaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Maamulka Puntland..

Khubarada Amaanka ayaa ka digay in tagista Madaxweynaha ee degaanada Wisil, Hobyo iyo Degmada Xaradheere ay abuuri karto xaalad amaan iyo khlal khal, inkastoo Konfurta magaalada ay ku sugan yihiin Xildhibaano iyo Xubno Wasiiro ah oo ka soo hormaray Madaxweynaha.

Dad badan, ayaa aaminsan joogista Madaxweynaha ee Gobolada dhexe ay qeyb weyn ka ciyaari karto Nabada iyo xasiloonida Dadka Degaanada, isla markaasna fursad u noqon karta in laga sifeeyo Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shababka in laga saaro degaanada ay weli ku harsan yihiin.

Ilaa hadda lama og inuu Madaxweynaha Wada hadalo la yeelan doono Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo waayahaan dambe Amaankeeda hoos u dhac uu ku yimid.

272910cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Konfurta Gobolka Mudug Kormeer ku tegaaya..