Maqaalka Caafimaadka:-Maxaa Ka Dhasha Cabista Biyaha Kulul Aroor Kasta…

Health Somalia news

Waxaa laga yaabaa inaad aroortii aad qac ka siisid koob Shaah ama Qaxwo ah si aad furfurnaan uga qaadid, halka Dadka qaarkood laga yaabo inay koob biyo qabow ah ku bilaabaan maalintooda, arimahaasi waxa ay noqon karaan waxyaabaha la sameeyo maalin walbo, hasa yeeshee waxaan soo bandhigeynaa arrin lagu ogaaday cilmi baarisyo badan oo ah in marka la cabo biyo diiran subaxdi ay ka caafimaad wanaagsansan tahay in la Cabo Shaah iyo Qaxwo…

Culimada Caafimaadku ayaa kula taliya bulshada inay inta badan subaxdi cabaan biyo diiran, ayna kasii fiican tahay hadii lagu daro liin dhanaan, sababtu waxay tahay biyaha diiran waxey sahlaan dheefshiidka sidoo kale waxey maareeyaan xakameynta dhaqdhaqaaqa saxarada.

7-da Shey oo u wanaagsan jirka Qofka oo ka dhasha cabida Biyo Kulul 

-Waxaa laga helaa walxa awood badan oo khafiifiya xanuunka ka dhasha caadada (Haweenka), sidoo kale waxay dejisaa murqaha caloosha si loo yareeyo xanuunka weheliya caadada, waxay kaloo biyaha kulul u wanaagsan yihiin majiirka sababtoo ah waxay kor u qaadaan dhaqdhaqaaqa dhiiga mara xididada yaryar sidaa darteed waxaa kala baxa murqaha jirka.

Dhimista Miisaanka

Hadii aad isku dayeysid inaad ridid miisaankaaga, waxaa suurta gal ah inaad horay u maqashay iney wanaagsan tahay in la cabo koob biyo kulul subaxdi, waa sax Biyaha diiran waxay kor uqaadaan heerkulka jirka, arintaas waxay sababeysaa in jirka uu kor u qaado kiimikaal shiidka uu sameeyo jirka, kiimikaal shiidka kor u kacay wuxuu sahlayaa in jirka uu gubo enerji badan maalintaas oo dhan.

Sare u kaca habka Dheefshiidka

Hadii aad cabtid koob biyo kulul subaxdi waxaad kicineysaa habkaaga dheefshiidka si uu si fiican u shiido cunnada, jirkana uga saaro haraadiga cunnada. Waxaa arintaan liddi ku ah in laga daba cabo cunnada cabitaan qabow, sabatoo ah, biyaha qabow waxey adkeynayaan saliidda iyo dufanka ku jira cunnada aad cuntay. Sidaa darteed waxaa sameysmaya dufan aan si fiican loo shiidi karin.

Kahortagga gabowga Deg Dega ah

Majiro cid dooneysa iney dhaqso ku gabowdo; hasa yeeshee wasakhda ku sameysanta gudaha jirka ayaa fududeysa in qofka uu si dhaqso ah ku duqoobo. Marka ay wasakh buux dhaafiso jirkaaga, jirku wuxuu u nuglaanayaa jiro iyo gabow degdeg ah. Biyaha diiran waxey ka nadiifiyaan jirka wasakhda, sidoo kale waxey fududeeyaan dayactirka unugyada maqaarka ee sahla in maqaarka uu jiidjiidmo.

Sare u kaca qulqulka dhiiga

Biyaha kulul waxay nadiifiyaan wasakhda ku keydsanta habka dareemaha iyo gudaha xididaha, sidaa darteed waxaa furmo xididaha, sidoo kale biyaha kulul waxey kala furfuraan murqaha ay xididada ka sameysan yihiin ayadoo meesha kasaareysa dhiiga aan si habsami ah u qulquleynin.

Ka hortagga calool fadhiga

Badankeen horay waan u soo marnay calool fadhi, waana arin dadka kaqaada raaxada, calool fadhigu waa xaalad caan ah ee xaga caloosha ah, sababta keenta calool fadhiga ayaa ah in qofka uusan qaadan biyo ku fican. Hadii subaxdi aad cabtid biyo diiran inta aadan wax cunin, waxaad qaaday tillaabo aad uga gaashamaneysid calool fadhiga.

Hurdo Badan

Qofka hadii uu cabo biyo diiran cashada kedib, waxey ka caawineysaa in jirka uu dareemo nasiino, arintaan ayaa abaarta hurdada qofka, sidoo kale waxay kaa caawineysaa inaad xakameysid inaad habeenki xili dambe u soo kacdid inaad wax cuntid.

332360cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:-Maxaa Ka Dhasha Cabista Biyaha Kulul Aroor Kasta…