Is-rasaaseyn Ka Dhacday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is-Rasaaseyntii kooban Oo dhilisay khasaaraha ayaa xalay ka dhacay Waqooyiga magaalada (Puntland) Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, xiisadani ayaa la sheegay iney u dhaxeysa Xoogaga Amaanka iyo Koox..

Is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac ayaa la sheegay inay timid  kadib markii ciidamada Amaanka Puntland ay gudaha u galeen goobta ay joogeen ragga hubeysan, waxaa sidaas ku billowday iska horimaadka, Kooxdaan oo ka gancasata Waxyaabaha Maanka dooriya, iyadoo ilaa 5-Qof ay ku dhaawacmeen (3xubnood Xoogaga Amaanka) halka 2-kale ay yihiin Kooxda Hubeysan.

Qoraal ka soo baxay Ciidamada Boliiska qeybta gobolka Mudug ee Puntland ayaa looga hadlay howlgalkaasi, waxaana warkaasi lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen 9 ka mid ah ragga hubeysan ee la diriray ciidamada, waxeyna Digniin u jeediyeen Kooxaha kale Ee ka macaasha Caraway, Khamriga Ethiopia iyo Xashiishada.

157010cookie-checkIs-rasaaseyn Ka Dhacday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo