Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Guryo Burburin ah Ka Bilaabay Xaruntii Dab-Demiska Mogadishu..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal guryo burburin ah oo ay saakay aroortii ku dhaqaaqeen Ciidamo kala duwan oo ka tirsan Dowlada Federaalka kuwaasoo xoog ku galay Xaafada Dab-damiska oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa muran iyo Diidmo iney Dadka ka guuraan…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Dhulalka Xaruntii Dab-demiska, Dhulkii Hogaanka Dhismaha iyo Dhulalkii Guryihii Taliyaha Ciidamada Boliiska oo lagu qiyaasay cabirkooda 300-Boos ayaa si hoose loogu heshiiyay, iyadoo Tiro badan oo Xildhibaano ah loo qoondeeyay 100-Boos, Halka Dadkii degenaa loo qeybiyay 100-Boos inta soo hartayna waxaa lagu wadaa in laga dhiso Xarun Dab-demis oo ay maalgelinayaan Dowladda Sacuudiga.

Wararka ayaa sheegaya in Xaalada halkaasi ka jirta ayaa ka saakay kacsan, iyadoo Dadkii degenaa ay bilaabeen iney guuraan, waxaa dhinaca kale socda howlgalo burbur ah ee dhismayaashii ku yiilay halkaasi, Dhinaca kala jirta waxaa jirta in la xiray wadooyinkii ugu muhiimsanaa ee ku yalaay Aaga burburinta ka socoto gaar ahaan wadooyinka ex kontrool Afgooye ilaa KM-4&5.

334810cookie-checkCiidamada Dowladda Oo Howlgalo Guryo Burburin ah Ka Bilaabay Xaruntii Dab-Demiska Mogadishu..