Dhaqaale Uu Bangiga Adduunka Bixiyey Oo Heshiis Laga Gaarey

Somalia news

Shirkii billaha ahaa ee u dhexeeyey Wasiirada Maaliyadda Dowladda Feraaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo weliba maamulka gobolka Banaadir oo ay soo qaqbanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaa lagu qabtey Muqdisho taariikhdu markey ahayd 11-12 Agoosto 2020 waxaana laga soo saarey war-murtiyeed….

Nuxurka Heshiiska:-

  1. Qaabka loo wadaagi lahaa dakhliga kabka miisaaniyadda ee laga helay Bangiga Adduunka kuna aadan hoos u dhicii miisaaniyadeed ee uu keenay xanuunka COVID-19.
  2. Ansixin nidaam ku aaddan qaab-wadaagga lacagaha loo diro DXDFS, iyadoo guddiga farsamada ay sii falanqeyn doonaan.
  3. U guuridda canshuur furdo oo ku salaysan qiime.
  4. Xoojinta xog wadaagga iyo hormarinta guud ee Maaliyadda dalka.

Waxaa la isku afgartey laguna ansixiyey qodobada soo socda:

  • Si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay in loo qaybsadey kabkii miisaaniyadda.
  • Hirgelinta nidaam canshuureed oo qiime ku salaysan kaas oo aan lahayn wax canshuur kordhin ah balse muhiimadiisa tahay la jaanqaadka ganacsiga dunida iyo mideynta maamulka furdooyinka dalka.
  • In Dakhliga waddanka loo qaybsado qaab ka duwan qaabkii hore iyadoo arrintan loo saaro guddi farsamo si loo gaaro in wax lagu qaybsadfo qaab la isla oggolyahay.
  • Canshuurtii qaadka ee heshiiskii Garoowe (2.5) waxaa laga dhigay $4.
  • In loo soo bandhigo miisaaniyadda 20201 qaab mideysan oo lifaaq ahaan ku cad.

Lacagta Baanka Adduunku ku kabay miisaaniyadda Soomaaliya ayaa gaaraysa $55 milyan oo dollar, inkasta oo maamulada dalku ay kala ballaaran yihiin kalana miisaaniyad weyn yihiin ayaan war murtiyeedka lagu caddeyn sida loo qaybsadey.

53780cookie-checkDhaqaale Uu Bangiga Adduunka Bixiyey Oo Heshiis Laga Gaarey