Walaac Laga Muujiyay 970-Qoys oo ku Barakacay Dagaaladii ka dhacay Galbeedka gobolka Mudug..

Somalia news

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Dagaal Beeleedyadii ka dhacay Gobolka Mudug ay ka dhasheen Barakac baahsan iyo khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac afartii bilood ee la soo dhaafay…

UNHCR ayaa xustay in xaaladdu ay waayahaan dambe uu aad u sii xoogaysatay, sababo la xiriira iska-horimaadyo xoogan. Dagaal beeleedkan ayaa ka dhex qarxay beelaha  Sacad iyo Lelakase, Sida ay sheegtay Hay’adda Samafalka, iska horimaadka ayaa ka bilowday Ceel-biyood laga qoday deegaanka Jiicboor ee degmada Galdogob, kaasoo la sheegay in beesha kale ay ka hortimid.

Dagaaladan ayaa si weyn u saameeyay dhamaan goobihii lagu dagaalamay iyo Degaanada ku dhow, waxaana dagaalada ugu badan ay ka dhaceen Xasaasaale, Laan-calawo, Buulaalay, Taaroge, Miigaagta, Laan-waalay, Kal-miigaag, Ina-dhabaray Jiicboor, Nugaal-gibin, Jiingada. Dhuxul-Shidka, iyo Laama Ari.

UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku diiwaan gelisay burburka ballaaran ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha iyo carqaladeynta nolol maalmeedka dadka deggan deegaannadaas. Sida laga soo xigtay maamulka, dagaalka ayaa sababay barakaca 970 qoys iyo in ka badan 5,820 qof, Dagaaladaan ayaa waxay ku qasabtay Qoysaska inay magangalyo u raadsadaan tuulooyinka deriska ah iyadoo ay jiraan xaalado adag,” ayay tiri hay’adda UNHCR.

334950cookie-checkWalaac Laga Muujiyay 970-Qoys oo ku Barakacay Dagaaladii ka dhacay Galbeedka gobolka Mudug..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com