Deni oo Weli Ku Jahwareersan Xulashada & Shaacinta Wasiiradiisa Cusub..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Simaciid Deni uu weli awoodi la’ yahay inuu ku dhiirrado shaacinta liiska Golihiisa wasiirada ee cusub, xilli Degaanada Maamulka ay hareeyeen Mushaar la’aan iyo Isbaarooyin Cabasho ah..

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaya in Mr.Deni uu saacadihii u dambeeyay uu ilaa saddex jeer isbeddel ku sameeyay liiskii uu diyaariyay ee Golihiisa Maamulka, Saciid Deni ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhinaca beelaha oo ku loollamaya Wasaaradaha muhiimka ah iyo sidoo kale shakhsiyaad saamayn ku leh siyaasadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa markii dib loo doortay 8 Jan 2024 awoodi waayay in uu wakhtigii dastuuriga ahaa ku soo dhiso Maamulka, waxaana Baarlamanku ugu kordhiyay mudda 30 cisho oo dheeri ah, Lix maalmood oo keliya ayaa hadda ka harsan 30-kii maalmood ee Baarlamanka Puntland u ogolaaday inuu ku soo dhiso Maamulka waxaana lagu wadaa inuu 28 Feb ka hor shaaciyo liiska cusub.

310420cookie-checkDeni oo Weli Ku Jahwareersan Xulashada & Shaacinta Wasiiradiisa Cusub..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com