Askari Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed ku Dilay Degmada Karaan & Sababta..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal Dil Bareer ah oo loogu geystay Hooyo & Gabadheeda oo ka dhacay xalay Xaafad ka tirsan degmada Karaan ee Gobolka Benaadir Falkaasii si weyn uga aragagaxeen Dadka ku nool degmadaasi, kadib markii Eedeysane askari ahaa uu dilka geystay…

Wararka ayaa sheegay in Askariga dilay Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed ayaa magaciisa lagu soo koobay Shariifoow, kaasoo la sheegay inuu ka mid aha Askarta ilaalada Degaanka ee Dowladda hoose ee Mogadishu, Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen in ninkaan oo ku hubeysnaa qori Ak-47 uu la tagay guriga ay daganeyd Xaaskiisii hore oo la sheegay in dhawaan la aroosay.

Waxaa la sheegay in Askariga toogashada ku dilay Xaaskiisii hore oo magaceeda lagu sheegay Nasteexo Nuur Dable iyo Hooyadeed oo lagu magacaabo Muslimo Macalin, Eedeysanaha ayaa dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta, mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhanka Laamaha Amaanka iyo Maamulka Degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdaan naxdinta badan.

Ugu dambeyntii falalkaan dilka ah ee salka ku haya maseyr dartiis ayaa qeyb ka noqonaya dilalka argagaxa badan ee ka dhex dhaca dadka isku qoyska ah oo muddooyinkii dambe  kusoo badanaayay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

335630cookie-checkAskari Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed ku Dilay Degmada Karaan & Sababta..