Heshiis Difaac Oo Lagu Xamanaayay Ethiopia, Eritrea & Somalia Oo Caqabad Ku Ah Nabada

Somalia news

4-sano ee u dambeysa Waxaa soo shaac baxaayay nux-nux dhab ah oo sheegeysa in Iskaashi qarsoodi oo u dhaxeeya Dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Somalia kaasoo salka ku haya sidii ay u midoobi lahaayeen isla markaasna aan Midowgaan laga Talo gelin Shucuubta ku nool 3-daasi dal….

Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Cumar Cabdiraahiid Cali ayaa sheegay “Heshiis Difaac oo lagu xamanayo in uu udhexeeya Dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Somalia ayaa noqon kara arrin khatarteeda leh oo horseedi karta deganaasho la’aan iyo dagaalo hor leh loona baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho, haddii Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa, waxay noqonaysaa khiyaano qaran oo horseedi karta in lagu maxkamadeeyo”.

Mr.Cumar ayaa qarxiyay Fadeexadaan oo Shacbiga Soomaaliyeed laga qarinaayay muddo 4-sano ah, iyadoo lagu waday in dhowaan Heshiiskaan qalinka lagu duugo xaflad lagu qaban doono dhowaan Magaalada Addis Ababa ayna ka soo qeyb geli doonaan Farmaajo, Abiy iyo Asiyas, iyagoo ku heshiiyay iney Diktatooriyad ka hirgeliyaab Dalalkaan.p

Hadalka Cumar waxuu imaanayaa, iyadoo Farmaajo la filayo inuu u duulo Adis-ababa maanta ama beri si xafladaasi uga qeyb galo.

106180cookie-checkHeshiis Difaac Oo Lagu Xamanaayay Ethiopia, Eritrea & Somalia Oo Caqabad Ku Ah Nabada