Haweenka Degmada Gaarisa Oo Cabasho ka Keenay Talaalka Cudurada ku Dhaca Ilmo-Galeenka…

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ee Is-maamulka Somalida Kenya ayaa sheegaya in Haweenka degaankaasi ay cabsho iyo diidmo ka muujiyeen Talaal loogu tala galay in looga hortago Cudurada ku dhaca Ilmo-Galeenka Haweenka & Gabdhaha, iyagoo sidoo kale digniino ka soo saaray…

Wararka ayaa sheegaya in isu soo baxa ay dhigeen Haweenka iyo Gabdhaha Magaalada ayeey uga cawdeen in Talaalkani uu khatar ku yahay Caafimaadkooda isla markaasna & in hoos loo dhigo Dhalmada iyagoo sheegay ineysan xiligaan qaadan doonin Talallaasi oo ay sheegeen in ujeedada ka dambeysay ay tahay sidii loo xakameyn lahaa Dhalmada Haweenka Soomaalida-Kenya.

Haweenkaan oo qaarkood ka hadlay isu soi baxa ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa Talaalkaani oo loogu tala galay in lagu xakameeyo Cudurada Kansarka ku dhaca Ilmi-galeenka Haweenka ay tahay in lagu yareeyo Dhalmada Gabdhaha iyo Haweenka Degaanada Waqooyi bari Kenya, waxeyna sheegeen ineysan qaadan doonin Talalkaasi.

336900cookie-checkHaweenka Degmada Gaarisa Oo Cabasho ka Keenay Talaalka Cudurada ku Dhaca Ilmo-Galeenka…