Maqaalka Caafimaadka:-Khatarta Ay Dawada Jeermis-diluhu (Antibiotics) Ay Ku Keento Carruurta..

Health Somalia news World

Cilmibaaris cusub oo ay samaysay Jaamacadda ‘Monash’ ee Dalka Australia ayaa muujinaysa in Caruurta da’ yaraanta lagu siiyo dawooyinka anti-baayootiga (Anti biotics) ay kordhiso khatarta ah inuu u nuglaato Cudurkw Xiiqdu, Sababtuna ay tahay dawadan oo disha bakteeriyada jirku u baahan yahay ee ku nool caloosha ilmaha, gaar ahaan sanadka ugu horreeya cimrigiisa…

Daraasaddan oo natiijadeeda ay majaladda ‘Immunity’ faafisay 15 kii Bishan July, Cilmibaarayaasha sameeyey waxaa hoggaaminayey Bare-sare Ben Marsland oo culuumta caafimaadka dheefshiidka ka dhiga jaamacadda ‘Monash’, wuxuuna  sheegay in isticmaalka badan ee dawooyinka Jeermisdiluhu (antibiotics) xilliga caruurnimada ay disho bakteeriyada samaysa Moliyuulka ‘IPA’ oo lagama maaarmaan u ah iska difaaca xiiqda ee muddada fog.

Dhinaca kalana cilmi-baarayaashu waxey ogaadeen marka ilmaha yaraan lagu siiyo dawada Jeermisdilaha ah (Antibiotics), in marinnada hawadu ay u nuglaadaan inay ku samaysmaan boogaha xasaasiyadda ee ka dhasha noolaha ilimaqabatayga ah ee boorka (Dhaska) guryaha ku dhex nool (House dust mites (HDM)), xaaladaasi oo aan ilmaha ka tegin xitaa marka dambe ee heerka Moliyuulka ‘IPA’ calooshiisu ay dib dabiici ugu soo noqdaan.

Asmada waa barar ku dhaca derbiyada marinada neefta oo sababa in neefsigu uu bukanku ku adkaado, Xaaladdan oo ku dhacda caruurta iyo Dadka waaweyn labadaba, sababaheeda waxaa ka mid ah hidde-sidayaasha, iyo sababo degaanka la xiriira qaab nololeedka oo qofku wax uu ka beddelo, gaar ahaan inuu ka fogaado waxyaabaha dhiirrigeliya xiiqda ayaa ka mid ah xalka ku haboon.

Asmada ama Xiiqda ayaa ka mid ah cudurada Dunida aad ugu faafsan, in ka badan 260 millions oo Qof ayaa qaba, sanad kastana waxaa u dhinta dad lagu qiyaasayo illaa 455 kun oo ruux.

338290cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:-Khatarta Ay Dawada Jeermis-diluhu (Antibiotics) Ay Ku Keento Carruurta..