Ma Dhabaa iney wali u Shaqaynayaan Bogagga Kooxda Shabaabka, Sidee Loo Joojin karaa…

Somalia news

Kadib markii ay Hey’adda NISA ku shaacisay iney 20-Website oo Kooxda Argagixisada leedahay ay xireen, iyadoo Mareegtooyinkaan ay ahaayeen kuwa ay kooxdu ku faafin jirtay Afkaartooda iyo Howlgaladooda, Balse saacado uun kadib markii ay NISA ku dhawaaqday xirista mareegyadaasi, ayaa waxey Shabaabku isticmaalayaan webiste-yo cusub oo wata isla magacyadii ay NISA faafisay iney xirtay…

Waxaana shaki ku jirin in halkaasi ay ka socoto (Ila Meereyso), maxaa yeelay wey fududay in Accountiyada Baraha bulshada (Facebook, Tweeter, Tiktok iyo kuwa kale) la xiro, iyadoo toos loo la xiriiraayo Shirkadaha iska leh lana sababeynaayo dhibaatada ay Bulshada ku hayaan, isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay.

Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan akoonada ay ku qancaan iney yihiin kuwa argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, sidaas darteed Dowladdu shirkadahaasi ayey soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa, Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar Bangi taasoo la sheegay iney noqon karto si dhib oo looga hortago mareegyadaasi.

Dawladaha Horumaray waxay leeyihiin hal meel oo laga xakameeyo guud ahaan Internet-ka taasoo u fududeynaysa in laga war hayo tilaabana laga qaado Bogagga iyo Mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee waxas shaki laga muujiyey in Dowladda Federaalka ay haysato nidaamka noocaas ah ee hormarsan.

305650cookie-checkMa Dhabaa iney wali u Shaqaynayaan Bogagga Kooxda Shabaabka, Sidee Loo Joojin karaa…