Uganda oo Maraykanka oo ka dalbatay 100-Billions oo US$ ah oo ah Magdhowga..

Africa News Security Somalia news

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Museveni ayaa Mareykanka ka dalbaday magdhow dhan $100bn oo ah khasaaraha ciidamada Uganda ka soo gaaray Somalia…

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Somalia, ayaa u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS ay diiwaan-geliyeen ku dhawaad 4,000 oo dhimasho ah oo u badan askarta kasoo jeeda  Burundi & Uganda” Mareykanku waxaan ku leenahay ugu yaraan 100 bilyan oo US$ oo ah shaqadayada Somalia,” ayuu yiri Muhoozi.

Boqolaal ka tirsan askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo dhiig badan ku daatay oo la doonayay in Al-Shabaab looga saaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Qoraallada uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ee Muhoozi ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Uganda iyo Mareykanka.

339850cookie-checkUganda oo Maraykanka oo ka dalbatay 100-Billions oo US$ ah oo ah Magdhowga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com