Boliiska Kenya Oo FBI-da Mareykanka u Gacan gelisay Eedeysane ka Ganacsada Duur-joogta

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Boliiska Dalka Kenya ayaa gacanta u geliyay Hey’adda FBI Mareykanka Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu ka ganacsanaayay Duurjoogta Daroogada (Mandooriyayaasha), kadib markii qabasho Caalami ah laga soo saaray…

Wararka ayaa sheegay in Eedeysane Cabdi Xuseen Axmed (Alias Abdi Khadi), lagu eedeeyay eedeymo la xiriira Ugaarsiga ka ganacsiga Foosha Wiyisha (35) iyo Faanta Maroodiga (100), waxaana lagu soo oogay Eedeysanaha iyo 3-kale iney ka qeyb qaateen iney gudaha Mareykanka geliyeen geesaha Wiyisha iyo foosha Maroodiga.

Boliiska Kenya ayaa xaqiijiyay in Eedeysanaha loo gacan geliyay Hey’adda Baarista Dembiyada Mareykanka axadii la soo dhaafay, si su’aalo looga weydiiyo ka ganacsiga & dilka Duur joogta, Eedeysanaha ayaa lagu qabtay Bariga magaalada Meru ee Dalka Kenya 30-kii Bishii August, kadib markii ay Warar u dusiyeen Boliiska Kenya muwaadiniin u dhashay Kenya, waxaana Eedeysanaha Madaxiisa la dul dhigay 1-Million US$.

212050cookie-checkBoliiska Kenya Oo FBI-da Mareykanka u Gacan gelisay Eedeysane ka Ganacsada Duur-joogta