Garabyada Maamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay

Politics

Warbixino welwel xambaarsan ayaa sheegaya In Kooxaha isku heysta xarig Jiid u dhaxeeya Oo Maamulka Farmaajo ka wada tirsan ayaa isku maandhaafay in Munaasabad loo qabanqaabiyay Wiil Dhalinyaro ah oo farsameeyay qalabka neefsasha sahla (Ventilators) lagu diro Xubno Bilado in lagu gudoonsiiyo….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Kooxda Garabka Farmaajo ay qorsheysteen in Xafaladaha Maalmaha Xoriyada lagu soo daro Wiilkaan oo Lagu magacaabo Maxamed Caddawe Mohamed, halka Garabka Kheyre ay qorsheeyeen in Munaasabada 15-May la isku sawiro oo Bilad la gudoonsiiyo, Talaabadaan ayaa horseeday in la isku fahmi waayo Oo Wiilka hanjabaado Loo jeediyo hadii uu garabka kale la safto.

Maxamed oo ah wiil Dhalinyaro ah oo Mustaqbal leh, waxaase ayaan darro ah inuu dhex u galay Kooxaha Iyo garabyada kuwasoo la sheegay inuu hanjabaado hawada u mariyeen, halkii laga rabay iney dhiiri gelin iyo maalgelinba la garab istaagaan Muwaadinkaan.

34190cookie-checkGarabyada Maamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay