Aalada WhatsApp oo Muddo Kooban Hawada ka maqnaa & Sababta..

World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Aaaladda WhatsApp, oo ah barnaamij ay ku wada xiriiraan balaayiin Dad ah ayaa muddo kooban hawada ka maqnaa habeennimadii Arbacadii, sida ay xaqiijisay shirkadda Meta oo iska leh WhatsApp, taasoo horseeday inuu gebi ahaan shaqeyn waayo…

Wararka ayaa sheegay in Adeegga la soo celiyay wax yar ka dib 5.10pm ET kadib ku dhawaad nus saac oo uu hawada ka maqnaa, Barta DownDetector oo la socota dhaq-dhaqaaqyada baraha internet-ka ayaa sheegtay in abaarihii 4:30pm ET ay bilaabatay cilladda WhatsApp.

Shirkadda WhatsApp ayaa dhankeeda ka hadashay cilladdan, “Waxaan si dhaqso ah uga shaqeyneynaa sidii aan u xallin lahayn cilad dhanka isku xirnaanta WhatsApp waxaanan ku soo celin doonaa hawada sida ugu dhaqsaha badan,” ayay shirkaddu ku tiri barteeda Twitter-ka.

WhatsApp ayaa si weyn looga isticmaalaa adduunka oo dhan, iyadoo Shirkaddu ku faanto in ka badan 2 bilyan oo macaamiil firfircoon ay ku leedahay daafaha dunida, sida ay sheegtay barta Statista oo tirakoobta isticmaalayaasha baraha bulshada ee adduunyada.

267010cookie-checkAalada WhatsApp oo Muddo Kooban Hawada ka maqnaa & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com