Maxaa Xiligaan Keenay Sare u Kacs Iibsiga Dahabka hoosna u Dhigay Qiimaha US$…

Economie World

Warbixin laga helay Bankiyada Dhexe ee Aduunks ayaa tilmaameysa iney dhaqdhaqaaqyada soo iibsashada Dahabka uu sare u kacay, iyadoo la soo iibsaday 183 tan oo dahab ah qeybtii dhexe ee sanadkaan, halka 173.6 tan oo dahab ah lasoo iibsaday isla muddadan oo kale balse sanadkii 2023…

Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Dahabka Adduunka ayaa lagu sheegay in bishii July keliya, iibka ay sameeyeen bankiyada dhexe ay gaartay 37 tan, Dalalka iibsanaya dahabka waxaa ka mid ah Poland, Türkiga, Uzbekistan iyo Czech Republic, Si kastaba, iyadoo soo iibsashada dahabka ay xowli ku socoto, haddana waxaa jira dalalka qaar oo bankiyadooda dhexe ay iska iibinayaan dahabka.

Talaabadaan ayaa ku beegmatay xilli dagaalo lagu hoobtay ay ka socdaan Dalka Ukrain oo u dhaxeeya Dalalka isbaheysiga Nato iyo Russia ku darsoo Dagaalada Israel iyo Ururada Hamas, Xisbullah iyo Xuutiyiinta u dhaxeeya ay khalkhal galiyeen Ganacsiga iyo Amaanka Maraakiibta Shidaalka & Ganacsiga ee mara Badweynta India iyo Bad Cas.

sida laga soo xigtay warbixinta Golaha Dahabka Adduunka, Bankiyada dhexe ayaa 1,037 tan oo dahab ah dhigtay keydkooda sanadkii 2023, Bankiyada dhexe ayaa 1,082 tan oo dahab ah keydsaday sanadkii 2022. Xogtan ayaa muujineysa in bankiyada dhexe ay weli ahmiyad badan siinayaan dahabka iyagoo hanti ahaan u keydsanaya, waxaana sii yaraanaya Saameynta Lacaga US$ sababo la xiriira Siyaasadaha Cunaqabateynta iyo Sameynta Dagaalada ee Dowlada USA.

Dahabka ayaa keyd sugan u ah bankiyada dhexe. Wuxuu ka caawiyaa xasilinta dhaqaalaha inta lagu guda jiro xasaradaha dhaqaale sidoo kalena wuxuu dheellitiraa keeydka, Marka tan laga soo tago, xiisadaha la xiriira dhulalka la isku heysto ayaa sidoo kale kusii kordhaya qeybo badan oo dunida ah. Gaar ahaan Gooni goosadka Taiwan Haddii uu dagaal ka qarxo, qiimaha lacagta ayaa hoos u dhici doonta qiimaha dahabkana wuu kordhi doonaa.

342420cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Sare u Kacs Iibsiga Dahabka hoosna u Dhigay Qiimaha US$…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *