Sarkaal ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo lagu dilay Laascaanood

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegay in xalay magaaladaas lagu dilay Guddoomiyihii xisbiga UCID ee Somaliland Maxamed Aflahaar, iyadoo koox hubeysan oo abaabulan lagu eedeeyay iney dilkaasi ka dambeeyaan..

Wararka ayaa sheegay in Marxuumka Maxamed Aflahar ayaa waxaaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday, kuwaasoo ka baxsaday goobta markii ay dilka fuliyeen, xili uu sii galaayay hoyga uu ka degan yahay magaalada.

Xoogaga Amaanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood ayaa bilaabay howlgalo baaaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan raggii dilkaasi, Lama oga cida ka dambeysay dilka Gudoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool, mana jirto cid sheegatay, sidoo kale Xisbiga UCID iyo laamaha amaanka Somaliland kama hadlin dilkan.

196220cookie-checkSarkaal ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo lagu dilay Laascaanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com